Wararka
Weerar Qaraxyo Ku Bilowday oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Weerarro loo adeersaday Qaraxyo ayaa lagu qaaday maqaayadda Real Beach ee ku taalla Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana laga helayaa faahfaahinno dheeraad ah. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha maqaayadda, iyaga oo ka dhex dagaalamaya, waxaana durba goobta gaaray ciidamo ka tirsan Police […]
Ciidamada ATMIS oo dalka ka baxaya iyo Soomaaliya oo masuuliyadda la wareegeysa.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo saartay bixitaanka iyo dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ilaa iyo dhamaadka bishan June ee aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2,000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee […]
Madaxweynaha Zambia oo la wareegay xilka Meertada ee Suuqa COMESA.
Madaxweynaha Zambia ayaa dhigiisa Masar kala wareegay Xilka Meertada ee Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA. Madaxweyne Hakainde Hichilema waxa uu m Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Elsisi kala wareegay hoggaaminta Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA. Munaasabada Xil-wareejinta ee Qalabka Awoodaha ee Guddoomiyihii hore ee […]
Wasaaradda Difaaca ee dalkeenna oo qoraal ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS.
Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala dalkeenna, maadaama ciidamada qalabka sida ay awood buuxdo u leeyihiin la wareegidda amniga guud ee dalka. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Wasaaradu in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda ah in […]
Dowladda Sudan oo dalkeeda ka cayrisay sargaal katirsan Qaramada Midoobay.
Dowladda Dowladda dalka Suudaan, ayaa ku dhawaaqday ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Volker Perthes, inay kala noqotay ‘xasaanaddii siyaasadeed ee joogitaanka’, taasoo la macno ah inaysan hadda aqoonsanayn jagada uu uga hayo Qaramada Midoobay dhanka dalka Sudan. Madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan General Cabdulfataax al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Perthes inuu hurinayo colaadda […]
Nasashada Jimacah. Q- 360=Ma jirto Ciqaab uga weyn Haweenka in laga aamuso, ama la yiraa, Sidaad Doonto yeel..=
1.Waxaa la qoday Qabri aasnaa 700 Sano, waxaa loogu tagay Maydka Nin iyo Xaaskiisii, waxaa ka muuqatay in weli ay xaaskii ku qeylineysay Saygeeda xataa isaga oo Mayd ah. (F.S: 1aad) ( Goormeey Haweenku Joojiyaan in ay ku qeyliyaan, waabsadaan, ama Handadaan Seygooda?) 2. Haddii aad rabto in aad Xaaskaaga Dood uga guleeysato, Akhri Qodobada […]
Somaliland oo sheegtay inay ciidamadeeda kala baxday Laascaanood.
Somaliland ayaa soo dhoweysay baaqa kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaas oo looga hadlay dagaalka magaalada Laascaanood. Golaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo magaaladaas. Laakiin Somaliland ayaa ka hortimid qeyb ka mid ah qaraarka golaha ammaanka, iyada oo sheegtay in si khaldan wax loogu sheegay golaha. Waxay sheegtay […]
Xafiiska xeer ilaalinta oo xabsiga u taxaabay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo xiray agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ku eedeysan Musuq-maasuq. war saxaafadeed dhowaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in lasoo xiray agaasimaha oo lagu eedeeyay wax isdaba marin iyo dayicid xoolo umadeed. halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo […]
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey jiheynta hannaanka doorashooyinka.
Muqdisho — Golaha Wasiirada Soomaaliya, oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka. Tallaabada golaha wasiirada ayaa daba socota shirkii ay bisii May Muqdisho ku yeesheen Madaxa Golaha Wadatashiga Qaran oo sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo […]
Garaadada magaalada Laascanood oo soo dhaweeyay war ka soo baxay Qaramada Midoobay
War saxafaadeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo saaray madaxweynaha golahaas, Lana Zaki Nusseibeh oo ah danjiraha halkaa u fadhida Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa qoraalka lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dedaallada ay wadaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee lagu raadinayo xabbad joojin laga gaaro colaadda Laasacaanood. Golaha […]