1 min read

Tirinta codadka doorashada Puntland oo bilaabatay.

Tirinta cododka codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland ayaa bilaabatay waxaana la filayaa Caawa in Goobaha Qeeybtood Natiijo hordhac ah la helo.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada abdirsaaq Ahmad said ayaa shaaciyay in loo Gudbiyay Tirinta codadka isagoona hoosta ka xariiqay in Nabad Galyo ay ku soo dhamaatay cod dhiibashadii.

Cod bixiye yaasha ayaa codeynta doorashada u dareeray saaka subaxnimadii iyadoo gelinkii dambe ee maanta ay soo idlaatay.

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa ka dhacday sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, inkastoo cabsi amni ay keentay in la hakiyo codbixinta deegaanada qaar.