1 min read

Buundada Buulo-Burde oo horraan uu qarax saameeyay ayey hadda ka sara mareen biyaha wabiga shabeelle oo ku soo fatahay.

Boqollaal qoys ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen dhawr xaafadood oo ka tirsan magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii uu ku fatahay webiga Shabeelle ee mara magaaladaasi.

Buundada webiga dulmarta oo dhamaadkii sanadkii hore ay qarax la beegsadeen kooxda Al-Shabaab, dhaawacna uu gaaray ayay hadda biyaha wabigu ka dul mareen, taasina waxay keentay baqdin ku aadan isticmaalkeeda.

Duqa magaalada Buulo-Burde Sadaam Cabdi Iidow oo ka warramay xaaladdihii ugu dambeeyay ee fatahaadda webiga Shabeelle ee magaaladaasi ayaa yiri , “Degmada Buulo Burde biyo nuucani oo kale ah 2018-kii ayaa ugu danbeysay, hadda biyuhu waxa ay saameeyeen afar xaafad oo degmada ka tirsan, bundada maanta ayey biyuhu kaso boodeen awal derbiyada ayey garaacayeen iyadoo naafeysneed ayey biyuhu ugu darsameen.”

Bundada oo mar dhexdaas ah qarax lagu burburiyay qaybo kamida ayaa Mr Sadaam waxa uu kawar bixiyay qaraxaasi kaddib isticmaalka bundada isagoo yiri “ wadada bundada qayb ayaa laga isticmaalayay baaburta waaweyn waa loo diiday oo xamuul ma istcmaalaan” ayuu yiri