2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 358=Wixii aad kaligaa ku riyootay, Qof kale ma lagu eedeyn karaa?=.

Caawa Nasashadu waxa y ka shidan tahay Kismayo.

1. Nin Reer Kismayo ah ayaa la weeydiiyay. Ma taqaan Xasan Adan Samatar, Maxamed Saleeman Tubeec, Faadumo Qaasim iyo Seynab Cige?.waxa uu yiri: Adeerow Magacyaada waan maqlay ee ma Sinitoorada Cusubaa.

( Somalida marka Su’aal la weeydiiyo waxa ugu horeeyo ee Madaxooda ku soo dhaco waa siyaasad)

2. ( Si kasta oo uu u yar yahay, isku day in aad Xaaskaaga Qanciso)

……………….!!!!!!.????????…!!!!???? Yaah, Professor ka maxaa helay, ma Facebook-gaa laga jabsaday? .

( War sideed u fikirtaa Adigu, maad i weeydiisid waxa aan ula jeedo. waa “Mushaarkaaga” ) ( F.S:1-2aad)

3. Cali yare ayaa yiri: Xaaskeeyga ayaa Qolka jiifka iigu soo gashay Aniga oo Naag kale la joogo, Gadaal ayeey u noqotay. Kushiinka ayeey Gashay, Biyo ayeey karkarisay, mar kale ayeey noo soo gashay, waxa ayna noo keentay Shaah. ( F.S: 3aad)

( Xaaskaas, maxaad ku tilmaami leheyd, ma Raaliyo? Doqon? Dhiig laay? Ma maseeyrto?……….Somali fudeyd ayaan ku Aqaan ee ha deg degin. Qofka Qolka Jiifka aan la joogay waxa ay aheyd Hooyadeey, iyaduna weey garaneeysay)

4. Wiil ayaa noo soo gar dhigtay, isaga oo leh: Saaxiibteey ayaan 5ta Galabnimo kula balamay “Beach View Restaurant – Lido”. Waxa ay soo hor martay 2 Saac, waxa ay timid 3dii Galabnimo, waxa ay aragtay Aniga oo la joogo Gabar kale.
Sideen ka yeelaa Beenleydaas iiga baxday Ballantii aan leheyn ee 5ta Galabnimo, sideen khaladkaa ay iga gashay uga cafi karaa? (F.S: 4-5aad)

( Wiilkaas Berri haddu Siyaasi noqdo, khaladkii lagu caarifo, Eediisa Shacabkaa leh)

5. Wiil ayaa yiri: Gabdhuhu maxeey isku moogeeysiiyaan wax kasta?
Waxa uu yiri: Xalay waxaan ku riyooday Gabar Deriskeena ah Aniga oo la Aqal galay, waajibkeeygiina si wanaagsan u gutay. Sabaxaan, ayaan kula kulmay Waddada, Wixii Xalay dhacay igumaba soo qaadin, waa ismoogeeysiisay waxaana ka muuqday Xishood. Gabdhuhu suura badanaa!!!.( F.S: 6aad)

( Wixii aad kaligaa ku riyootay, Qof kale ma lagu eedeyn karaa? Haa, Siyaasiyiinta ayaa yiraa: Haddii Shacabku ay ogaan lahaayeen, wixii aan ku riyoonayay markii aan Xilka hayay, Dib ayeey ii soo dooran lahaayeen mar kale)

6. Doorashooyinka Somalidu waxa ay noqdeen Sida ATM, Saf loogu jiro in Lacag lagala baxo.( F.S:7aad)

( Hadaad arki jirtay, Xildhibaan la dooranaa ama Xildhibaan wax dooranaa, oo Codku yahay ATM-ka Numbarka aad Garaacdo ayaa Codkaagu Lacag kuu soo tuuraa. Hadda waxaan ka cabsi qabaa in Shacabku ay niqdaan ATM Lacag yari ku jirto, sida Bajaaj Rac, “Transport” hoo, ay u codeey doonaan).

Qore: Yahya Amir