1 min read
Nin ayaa yiri: waxaan la yaabay!!!
1. Dudun, Abooraa dhisay.
2. waxaa ka yaab badan, waxaa uu dhisaa habeenkii oo kaliya.
3.waxaa ka sii yaab badan, waxa uu ku dhisaa Candhuuftiisa. (F.S: 1aad)
waxaan la yaabay:
1.Guddiyo Dastuuri ah oo 3 Sanno iyo Bar lagu dhisi waayay, Sida Gudiga Adeega Garsoorka, Hayadda Batroolka Qaranka iyo Gudiyo kale, ayaa Saacado lagu dhisay .
2.waxaa ka sii yaab badan, Xukuumadii la yiri, wasiiradaheedii waa wada dheceen ayaa dhistay.
3.waxaa ka sii yaab badan, Shuruudihii Sharciga lama buuxin, waana Sharci jiritaanka Guddiyadu. ( F.S:2aad)
Qore : Yahya Amir