1 min read

Xuska maalinta nabadda adduunka oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda, taas oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, qaar ka mid ah safiirada Dowladaha caalamka, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda ayaa loogu talagalay wacyi-gelinta nabadda in la gaarsiiyo adduunka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Nabadda ee Soomaaliya Dr. Maxamed Yuusuf wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarinteeda.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay nabadda, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay I istaageen sidii loo xoojin  lahaa nabadda iyo hirgelinteeda.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys oo hadal kooban ka jeediyay xuska maalinta nabadda adduunka ayaa hoosta ka xariiqay in xasilloonida aas-aas u tahay adduunka gaar ahaan Soomaaliya.

” Sidaad ogtihiin nabaddu waxay aas-aas u tahay nolosha aadanaha ku nool calamka oo dhan gaar ahaan Soomaaliya oo sannooyin badan colaado ah soo martay, waxay nabaddu u leedahay muhiimad aad u ballaaran, Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad siineysaa in ay Soomaaliya nabad noqoto iyo in ay Soomaaliya nabad kula noolaato dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

21, September, maanta oo kale waxaa dunida looga dabaaldegaa maalinta caalamiga ah ee nabadda adduunka, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka soo koraya ee radinaya nabadda.