September 20, 2023
Bayern Munich Oo Garaacday Man United Xili uu farqigu ahaa hal gool.
Kooxda Bayern Munich ayaa dhulka la dhacday kooxda Man United kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka champions League. Saaxiibada Harry Kane ayaa ku dur-duriyay kooxda Man United kuwaas oo si weyn ugu dhibaatooday kulanka aan waxba la iman Germany. Bayern ayaa wax walba ku fiicnayd iyaga oo ka awood badnaa Man United oo u muuqatay […]
Arsenal oo 6 sanno kadib Tartanka Champions League xasuuqday kooxda PSV Eindhoven.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq weyn kula soo noqotay tartanka Champions League oo ay ka maqnayd muddo lix sannadood ah, waxaanay 4-0 ku dubatay PSV Eindhoven oo marti ugu ahayd Emirates Stadium. Gunners ayaa waqti horeba meel saartay PSV oo isbidaysay inay iska dhicin karayso Arsenal maadaama xilli-ciyaareedkii hore oo ay ku kulmeen Europa […]
Ciyaaryahan Bellingham oo Guul Wakhti Dambe ah Ku Hogaamiyay Real Madrid.
Kooxda Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay tartanka champions league kadib markii ay ka badiyeen kooxda Union Berlin. Kulanka ayaa ahaa mid aad ugu adag labada kooxood iyada oo Los Blancos maamulaysay ciyaarta. Kooxda Union Berlin ayaa ciyaaraysay kubad rogaal celis ah iyada oo Real Madrid maamulaysay ciyaarta. Real Madrid ayaa samaysay fursado waali ah […]
Xulka Kubadda cagta haweenka ee Spain oo dib u habayn lagu samayn doono..
Xubnaha kooxda kubadda cagta haweenka Spain ayaa isku raacay in ay joojiyaan gadoodkii ka dhanka ahaa ciyaaraha ee ay wadeen, ka dib markii loo ballan qaaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono habka maamulka ciyaaraha. Waxay waydiisanayeen isbeddelo tan iyo markii saaxiibtooda ku guuleystay Koobka Adduunka, Jenni Hermoso, uu si fagaare ah bushimaha […]
In ka badan 25-ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay hawlgal ka dhacay koofurta Mudug.
Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka oo saakay Khawaarijta kala wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug ayaa u gudbay deegaanka Shabeelow oo Khawaarijta u ahaa fariisin muhiim ah, halkaas oo hawlgal ciidanku ka fuliyeeen lagu dilay 25 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay […]
RW Xamse oo New York kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka
New York:โiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Raโiisla wasaare Xamse iyo Antony Blinken ayaa ka wada hadlay sii […]
Wasiirka maaliyadda oo Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah hayโadaha taageera Soomaaliya.
Muqdisho : Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda qaar ka mid ah heyโadaha caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta iyo taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn qaabilay wakiilka […]
๐ฅW ๐๐ ๐ซ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ dalka ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐ra๐ ๐บ๐ฎ๐๐ต๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฎ ka๐๐ผ๐ผ k๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ X๐ฎ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ
Ku-simaha Raโiisul Wasaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, waxana qayb ka noqoneysa Hayโadda […]
Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika.
Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan duleedka magaalada Cape Town waxaa lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ahaa labo dhalinyaro ah oo halkaasi u joogay arrimo ganacsi. Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xaamud Jaras, kuwaasi oo la sheegay inay beegsadeen Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah. Sida uu noo sheegay […]
6-Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israaโiil ku dileen Daanta Galbeed iyo Qaza
Lix falastiiniyiin ah ayaa naftooda ku waayay weerarro kala duwan oo ciidamada Israaโiil ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto iyo marinka Qaza. Sida laga soo xigtay dhaqaatiirta falastiiniyiinta, afar qof ayaa lagu dilay weerar xilli habeenimo ah ay ciidamadu ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin, taasoo keentay ku dhawaad โโ30 dhaawac ah. Nin kale […]