1 min read

RW Xamse oo New York kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka

New York:’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisla wasaare Xamse iyo Antony Blinken ayaa ka wada hadlay sii xoojinta calaaqaadka saaxiibtinimo ee mudada dheer ka dhexeeya labada dal iyo in xukuumadda Washington ay xoojiso taageerada ay Soomaaliya ku siinayso ciribtirka argagixisada iyo mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo.