1 min read

Ciyaaryahan Bellingham oo Guul Wakhti Dambe ah Ku Hogaamiyay Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay tartanka champions league kadib markii ay ka badiyeen kooxda Union Berlin.

Kulanka ayaa ahaa mid aad ugu adag labada kooxood iyada oo Los Blancos maamulaysay ciyaarta.

Kooxda Union Berlin ayaa ciyaaraysay kubad rogaal celis ah iyada oo Real Madrid maamulaysay ciyaarta.

Real Madrid ayaa samaysay fursado waali ah laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan fursadahaas.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ayay Real Madrid dhalisay goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul wakhtiga dhimashada oo ay cayaartu ka harsanayd hal Daqiiqo.