1 min read

In ka badan 25-ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay hawlgal ka dhacay koofurta Mudug.

Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka oo saakay Khawaarijta kala wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug ayaa u gudbay deegaanka Shabeelow oo Khawaarijta u ahaa fariisin muhiim ah, halkaas oo hawlgal ciidanku ka fuliyeeen lagu dilay 25 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen.

Dhinaca kale, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa hawlgal lagu baacsanayo khawaarijta ka sameeyay deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara.

Wararka kusoo kordha baacsiga lagu hayo firxadka Khawaarijta waan idiin soo gudbin doonnaa