2 mins read

Bayern Munich Oo Garaacday Man United Xili uu farqigu ahaa hal gool.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhulka la dhacday kooxda Man United kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka champions League.

Saaxiibada Harry Kane ayaa ku dur-duriyay kooxda Man United kuwaas oo si weyn ugu dhibaatooday kulanka aan waxba la iman Germany.

Bayern ayaa wax walba ku fiicnayd iyaga oo ka awood badnaa Man United oo u muuqatay kuwo aan diyaar u ahayn in ay ciyaaraan.

Daqiiqadii 28-aad ayay Bayern Munich dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Leroy Sane kaas oo ciyaarta hogaankeeda u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Goolka Bayern ayaa yimid kadib khalad waali ah oo uu sameeyay Goolhaye Onana kaas oo sabab u ahaa in ay kooxda Bayern Munich dhaliso.

Man United ayaan wax fal celin ah ka samayn goolkii ay Bayern dhalisay waxana ay ku dhibaatoodeen in ay wax fursado ah sameeyaan.

Daqiiqadii 32-aad ayay Bayern dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay ku hogaaminayso Bayern Munich.

Waxa sidaas ku dhamatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Bayern Munich ahayd kooxda fiican ee ciyaarta.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 49-aad iska soo baday gool waxana u dhaliyay xiddiga cusub ee Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Bayern Munich ayaa daqiiqado kadib sii dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu Harry Kane u dhaliyay gool rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Man United ayaa soo toostay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta xilli ay Bayern Munich u muuqatay kuwo daalay oo aan wax niyad ah u hayn in ay sii dheeraysato goolasha.

Daqiiqadii 88-aad ayay man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo ciyaarta dib u furay kooxdiisana rajo galiyay kana dhigay 3/2.

Kooxda Bayern Munich ayaa isla markiiba ka jawaabtay goolka Man United waxana daqiiqadii 1-aad ee qaybtii lagu daray ciyaarta gool u dhaliyay xiddiga Mathys Tei.

Man United ayaa mar kale dhalisay gool kadib markii uu xiddiga Bruno Fernandes dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/3 ay Man United ugu soo laabatay ciyaarta mar kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich garaacday Man United dhabarkana u saartay guuldaradii ugu horaysay ee wareega Group-yada tartanka champions League.