1 min read

Arsenal oo 6 sanno kadib Tartanka Champions League xasuuqday kooxda PSV Eindhoven.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq weyn kula soo noqotay tartanka Champions League oo ay ka maqnayd muddo lix sannadood ah, waxaanay 4-0 ku dubatay PSV Eindhoven oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Gunners ayaa waqti horeba meel saartay PSV oo isbidaysay inay iska dhicin karayso Arsenal maadaama xilli-ciyaareedkii hore oo ay ku kulmeen Europa League ay isku-darka labadii lugood kaga goolal badnayd.

Daqiiqaddii siddeedaad ee ciyaarta ayuu Bukayo Saka furay gool-dhalinta ciyaarta, kaddib uu ku celiyey kubbad uu soo tufay goolhayaha PSV, waxaanu goolkaasi niyad fiican siiyey ciyaartoyda Arsenal oo rumaystay inay xilli horeba ka takhalusi karayaan kooxda reer Netherlands ee martida u ah.

Leandro Trossard ayaa hoggaanka usii dheereeyey Arsenal daqiiqadda 20aad ee ciyaarta ka hor intii aanu Gabriel Jesus kubbad qurux badan oo gantaal ahayd ku suuxinin ciyaartoyda PSV ee is-bidayay inay soo laaban karayaan.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay Arsenal oo leh 3-0, hase yeeshee iska lumisay fursado badan oo ay kusii dheeraysan karayeen ciyaarta iyadoo kubbado goolal caddaan ah noqon karayay ay lumiyeen Jesus, Saka, Trossard iyo Kai Havertz.

Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard ayaa saxeexay goolka afraad ee quusta ka dhigay PSV xilli ay 20 daqiiqadood ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta.

Mikel Arteta oo inta badan iska raacaysanayay, ayaa u dhaqmay sidii ay kooxdiisu ciyaar saaxiibtinimo dheelayso qaybtii dambe, waxaana uu sameeyey shan beddel maadaama aanay PSV lahayn awood ay kaga daba timaaddo.