1 min read

Xulka Kubadda cagta haweenka ee Spain oo dib u habayn lagu samayn doono..

Xubnaha kooxda kubadda cagta haweenka Spain ayaa isku raacay in ay joojiyaan gadoodkii ka dhanka ahaa ciyaaraha ee ay wadeen, ka dib markii loo ballan qaaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono habka maamulka ciyaaraha.

Waxay waydiisanayeen isbeddelo tan iyo markii saaxiibtooda ku guuleystay Koobka Adduunka, Jenni Hermoso, uu si fagaare ah bushimaha uga dhunkaday guddoomiyihii xiriirka kubbadda cagta ee xilligaas, Luis Rubiales.

Wali lama shaacin waxa dib u habaynta lagu samayn doono. Ciyaartoyda ayaa loogu hanjabay in la ganaaxi doono haddii ay soo xaadiri waayaan tababarka