1 min read

Wasiirka maaliyadda oo Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah hay’adaha taageera Soomaaliya.

Muqdisho : Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta iyo taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn qaabilay wakiilka dalalka geeska Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Nnenna Nwabufo, waxa ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee uu bangigu ku taageero Dowladda Soomaaliya iyo fursadaha suuragalka ah ee maalgalineed, Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu wadaa qorshayaal maalgalineed oo aad muhiim ugu ah Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiir Biixi ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr Keith Hansen. Wadahadalka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya iyo dib-u-haabeynta kaabayaasha dhaqaalaha, maadaama Bangiga Adduunka uu door muuqdo ku leeyahay taageerada hey’adaha Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka wadahadalay sidii uu Bangiga Adduunka uga qeyb qaadan lahaa maalgalinta Mashaariicda Horumarineed ee dalka, kadib marka ay Soomaaliya gaarto deyn-cafis dhammeystiran.

Wasiirka Maaliyadda Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo miro-dhal ah la qaatay xubno ka socday Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Safaaradda UK e Muqdisho. Dhammaan wadahadalada uu la yeeshay wasiirku waxa ay ku saleysnaayeen dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada Midowga Yurub ee kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaardda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii looga maro-dhalin lahaa hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel aad wanaagsan maraya, iyadoona la filayo in dhawaan la soo gaba-gabeeyo barnaamijka Dey-Cafinta Soomaaliya.