17 May, 2024
1 min read

Maxkamadda sare ee dalka oo u fariisatay dhageysiga dacwad ka dhan maamulka gobolka Banaadir.

Maxkamadda sare ee dalka, gaar ahaan qeybteeda maamulka ayaa maanta u fariisatay dhageysiga gar maqalkii 3-aad ee dacwad lid ku ah maamulka gobalka Banaadir oo ay kala dhaxayso shirkadda Power Technology Industries. Dacwadda oo khusaysaa heshiis ay hore u wada galeen labada dhinac oo uu ka baxay maamulka gobalka Banaadir ayey shirkadda heshiiska looga baxay […]

1 min read

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ku sii jeeda Ruushka.

Moscow iyo Pyongyang ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, uu booqan doono Ruushka maalmaha soo socda. Kremlin-ka ayaa sheegtay in booqashada rasmiga ah ay jawaab u tahay martiqaad uu u fidiyay madaxweyne Putin. Goor sii horeysay, warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tareenka gaashaaman ee Kim uu ku sii jeedo magaalada Vladivostok, […]

1 min read

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee G/Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo maanta laga xoreeyey Al-Shabaab oo muddo badan bulshada ku dhibaateyneysay. Masuuliyiinta ayaa Bogaadiyay Ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca Shacabka ee Cadowga ka xoreeyey deegaano Badan […]

1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay qabsatay Ceelgaras

CEELGARAS — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab. Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay iminka “halkaas ka wadaan howlgal sifeyn ah.” Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidamada […]

1 min read

Xildhibaanno ku dhintay qarax ka dhacay Ceelgaras kaddib markii magaalada laga saaray Al-Shabaab

Warrarka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qarax miino oo ka dhacay magaalada Ceelgaras ay ku dhinteen labo xildhibaan oo ka kala tirsan Barlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka caasimadda Dhuusamareeb, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen illo wareedyo gobolka ku sugan. Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Ceelgaras, wax yar uun kaddib markii ciidamada dawladdu ay […]

1 min read

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ hoose

Muqdisho :- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo shalay Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay. Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Awdheegle ku sugan waxaana uu ku amaanay sida ay geesiyaasha Qaranku cashar ugu dhigeen Khawaarijta diinta ka aradan ee lagu soo […]

1 min read

Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray Mashaariicda Damal Caafimaad iyo COVID-19 Vaccination.

Muqdisho :- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi  Barre ayaa daahfuray maanta Mashaariicda Damal Caafimaad iyo COVID-19 Vaccination. Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaano Agaasimayaal, Xubna sare oo ka socday Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, dhaqaatiir daneeyayaashada Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socdah Dowlad goboleedyada […]

1 min read

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto.

Muqdisho :- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabduaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u haystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo. Sidoo kale, Generaal […]

1 min read

Nin Soomaali ah oo sarkaal u dhashay dalka Uganda Tooreey ku dilay afaafka hore ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya inay xiisadi ka taagan tahay albaabka Madiina Gate oo ah albaabka laga galo Xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane. Wararku waxay xaqiijinaya inay xiisad ka taaganayd shalay albaabka laga galo Xaruunta Xalane ee Muqdisho kaddib markii uu halkaa muwaadin Soomaaliyeed uu ku toorriyeeyey kuna dilay askari u dhashay dalka Uganda, sida […]