1 min read

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee G/Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo maanta laga xoreeyey Al-Shabaab oo muddo badan bulshada ku dhibaateyneysay.

Masuuliyiinta ayaa Bogaadiyay Ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca Shacabka ee Cadowga ka xoreeyey deegaano Badan oo dhaca Bariga Galgaduud waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Shacabka Ceel-garas laga dulqaaday Cadowgii muddo dhibaateynayay.