1 min read

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ hoose

Muqdisho :- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo shalay Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Awdheegle ku sugan waxaana uu ku amaanay sida ay geesiyaasha Qaranku cashar ugu dhigeen Khawaarijta diinta ka aradan ee lagu soo qalday weerarkii degmadaas.