1 min read

Kooxda Man United oo tababarka ka cayrisey laacibka Antony

Garabka Manchester United Antony ayaa aqbalay inuu dib u dhigo ku soo laabashadiisa kooxda “si uu wax uga qabto eedeymaha” weerarka la sheegay in uu ku qaaday gabadh ay xiriir wadaag ahayeen.

23-sano jirkaan ayaa lagu waday inuu ku soo laabto tababarka isniintii kadib markii laga saaray xulka Brazil ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Bolivia iyo Peru. Laakiin United ayaa sheegtay in xiddigan ay isku afgarteen in uu dib u dhigo soo laabashadiisa ilaa amar dambe si arrintan wax looga qabto.

Antony wuu diiday dhammaan eedeymaha.

Waxaan Manchester United kula heshiiyey in aan fasax qaato inta aan wax ka qabanayo eedeymaha la ii soo jeediyay”, ayuu yiri.

“Waxaan rabaa inaan ku celiyo inaan wax dambi ah lahayn waxyaabaha la igu eedeeyay, waxaana si buuxda ula shaqayn doonaa booliiska”, ayuu sii raaciyay.