1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay qabsatay Ceelgaras

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay iminka “halkaas ka wadaan howlgal sifeyn ah.”

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidamada ay u suurta-gashay qabsashada magaaladan kadib markii ay ka baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal warka ku saabsan in Ceelgaras ay ka baxday gacantooda, taasi oo dowladda ay ugu yeertay “guul-weyn oo laga gaaray” dagaalka Al-Shabaab.