1 min read

Nin Soomaali ah oo sarkaal u dhashay dalka Uganda Tooreey ku dilay afaafka hore ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya inay xiisadi ka taagan tahay albaabka Madiina Gate oo ah albaabka laga galo Xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane.

Wararku waxay xaqiijinaya inay xiisad ka taaganayd shalay albaabka laga galo Xaruunta Xalane ee Muqdisho kaddib markii uu halkaa muwaadin Soomaaliyeed uu ku toorriyeeyey kuna dilay askari u dhashay dalka Uganda, sida uu baahiyey isla hilinku.

Labada nin ayaa la sheegayaa inay murmeen dilka kahor, ha yeeshee, dilka kaddib ayaa la sheegayaa in Ciidamada Xoogga Uganda ee UPDF ee ku sugnaa goobtu ay iyaguna durbadiiba toogteen muwaadinkii Soomaaliyeed ee dilka gaystey.

Waxaa shilkaa dartii xanniban dhaqdhaqaaqa Madina Gate halkaasoo ciidamo fara badani ay iminka soo buux dhaafiyeen.