1 min read

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ku sii jeeda Ruushka.

Moscow iyo Pyongyang ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, uu booqan doono Ruushka maalmaha soo socda. Kremlin-ka ayaa sheegtay in booqashada rasmiga ah ay jawaab u tahay martiqaad uu u fidiyay madaxweyne Putin.

Goor sii horeysay, warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tareenka gaashaaman ee Kim uu ku sii jeedo magaalada Vladivostok, oo ku taal xadka bariga fog ee Ruushka. Waa safarkii ugu horeeyay ee uu dibadda u baxo muddo afar sano ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Putin uu Kim ka doonaya in uu u soo buuxiyo saanaddiisa dagaalka ee Ukraine. Taa baddalkeeda, Kim ayaa la filayaa inuu weydiisto gargaar cunto, lacag caddaan ah iyo tignoolajiyada hubka.