1 min read

Xildhibaanno ku dhintay qarax ka dhacay Ceelgaras kaddib markii magaalada laga saaray Al-Shabaab

Warrarka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qarax miino oo ka dhacay magaalada Ceelgaras ay ku dhinteen labo xildhibaan oo ka kala tirsan Barlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka caasimadda Dhuusamareeb, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen illo wareedyo gobolka ku sugan.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Ceelgaras, wax yar uun kaddib markii ciidamada dawladdu ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab. Qaraxa waxa kaloo ku dhintay qof la socday labada xildhibaan.

Ciidamada Dawladda iyo miliishiyooyinka qabaa’ilka ayaa barqadii galay magaalada Ceelgaras oo qiyaastii 40km u jirta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, iyagoon wax iska caabin ah la kulmin.

Ceelgaras waa magaalo ku taala wadada u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, waxana muddo dhawr iyo toban sano ah gacanta ku hayay ururka Al-Shabaab.

Qabasashada ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka ee Ceelgaras ayaa ka dhigan, tallaabo loogu sii dhawaanayo sidii markale gacanta loogu dhigi lahaa degmada Ceelbuur.