26 Jul, 2024
1 min read

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka warbixisay hawlgallada Khawaarijta lagu ciribtirayo ee Galmudug ka socda

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay maleeshiyada Khawaarijta laga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayna isi soo dhiibeen kooxo ka tirsanaa in muddo ah. Waxa uu sheegay in hawlgallo […]

1 min read

RW Xamse oo la kulmay agaasimaha guud ee sanduuqa horumarinta Qatar.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta Qatar, Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, oo ay ka wada hadleen dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ay ku taageerto Soomaaliya. Agaasimaha ayaa Ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida uu Sanduuqu uga go’an tahay kordhinta […]

1 min read

Air Canada oo eriday rakaab diiday inay ku fariistaan kuraas horay loogu matagay.

Diyaarada Air Canada ayaa raali galin ka bixisay kadib markii labo rakaab ah laga soo saaray diyaaradaasi markii ay diideen in ay ku fariistaan ​​kuraas lagu matagay. Susan Benson, oo ka tirsanayd adeegga Las Vegas-Montreal, ayaa sheegtay in duuliyuhu uga digay rakaabka in la gelin doono liiska dadka aan loo ogoleyn duulimaadyada haddii ay sii […]

4 mins read

Dawladda Soomaaliya oo beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab, sidaasi waxaa idaacadda VOA u sheegay saraakiil sare oo ka mid ah dawladda oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan. Beddelka xeesha dagaal ayaa ka dambaysay weerarkii 26-kii bishii hore al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggii ciidamada dawladda […]

1 min read

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka kuwa Daraawiishta iyo Ciidanka difaaca Shacabka oo hawlgallo sifayn ah ka wada gobalka Galgaduud ayaa kooxda Khawaarijta ka saaray dhul Balaaran oo u dhexeeya waddada xiriirisa degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb. Goobaha laga saaray Khawaarijtu waxaa ka mid ah degaanka istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, laba -dulle,dhaban-dhul kuhays iyo dhul ballaaran oo ah hawdka […]

3 mins read

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay madal (Twitter space) ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeer ku tagay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kulamana la yeeshay odayaasha dhaqanka, shacabka iyo ciidamada. 3- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah […]

2 mins read

Iran iyo Sacuudi Carabiya oo 7 sano kadib is-dhaafsaday safiiro.

TEHRAN — Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Talaadadii gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go’naa toddoba sano. Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xiriirkooda, islamaraana dib u furaan safaaradaha kadib heshiis […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Aadan-Yabaal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, […]

1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay hoggaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar. Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, […]