1 min read

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka kuwa Daraawiishta iyo Ciidanka difaaca Shacabka oo hawlgallo sifayn ah ka wada gobalka Galgaduud ayaa kooxda Khawaarijta ka saaray dhul Balaaran oo u dhexeeya waddada xiriirisa degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Goobaha laga saaray Khawaarijtu waxaa ka mid ah degaanka istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, laba -dulle,dhaban-dhul kuhays iyo dhul ballaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysata Khawaarijta.

Guulaha isdabajoogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka difaaca Shacabka ayaa ka dhashay iskaashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan aagagga dagaalka.