1 min read

RW Xamse oo la kulmay agaasimaha guud ee sanduuqa horumarinta Qatar.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta Qatar, Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, oo ay ka wada hadleen dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ay ku taageerto Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa Ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida uu Sanduuqu uga go’an tahay kordhinta mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan guud ahaa Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo barnaamijyadda hortabinta u leh Xukuumadda #DanQaran.