1 min read

Air Canada oo eriday rakaab diiday inay ku fariistaan kuraas horay loogu matagay.

Diyaarada Air Canada ayaa raali galin ka bixisay kadib markii labo rakaab ah laga soo saaray diyaaradaasi markii ay diideen in ay ku fariistaan ​​kuraas lagu matagay.

Susan Benson, oo ka tirsanayd adeegga Las Vegas-Montreal, ayaa sheegtay in duuliyuhu uga digay rakaabka in la gelin doono liiska dadka aan loo ogoleyn duulimaadyada haddii ay sii wadaan cabashada.

Waxay intaa ku dartay in shaqaaluhu ay isku dayeen in ay “ur daran” ku qariyaan cadar iyo bunka la shiiday. Air Canada waxay sheegtay in rakaabku “aysan helin heerkii adeeg ee ay mudnaayeen”.

Waxay intaa ku dartay in shaqaaluhu ay isku dayeen in ay “ur daran” ku qariyaan cadar iyo bunka la shiiday. Air Canada waxay sheegtay in rakaabku “aysan helin heerkii adeeg ee ay mudnaayeen”.

“Ma garanayno waxa dhibku ahaa markii hore,” Marwo Benson ayaa sidaa soo dhigtay bogga Facebook bishii hore.

“Sida muuqata, Duulimaadkii hore qof ayaa matagay, Shaqaalihi Duulimaadka ayaa si weyn raali gilin u bixiyay, balse waxay sheegeen in Diyaaraddu ay buuxsantay, taana ay keentay arrintan.

Shirkadda Diyaaradda Air Canada ayaa sheegtay in ay “baareyso arrintan halista ah” iyo in ” dhacdadan si wafaaqsan sharciga Diyaaradda loo raacin”.