1 min read

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka warbixisay hawlgallada Khawaarijta lagu ciribtirayo ee Galmudug ka socda

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay maleeshiyada Khawaarijta laga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayna isi soo dhiibeen kooxo ka tirsanaa in muddo ah.

Waxa uu sheegay in hawlgallo lixaad leh oo ay gobolka Galgaduud ka fuliyeen ciidamada qalabka qalabka sida, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada difaaca shacabka in maleeshiyada Khawaarijta looga saaray magaalada Ceel-lahelay oo ah magalo wayn oo muddo dheer soo jirtay, sidoo kalena maleeshiyada laga saaray dhulka baadiyaha ah ee ku hareeraysan.

Maalintii shalay ayaa sidoo kale Khawaarijta laga saaray deegaanka Dhabana-dhulkuhays, halka dorraadna laga saaray deegaanka Labadule oo ay ku lahaayeen 2-xarumood oo tababarka Khawaarijta ay ku lahaayeen, isagoo intaa ku daray Afhayeenku in dhuka hawdka ah ee u dhexeeya Wabxo iyo Ceelbuur dagaal lagula galay argagixisada lagana saaray halkaas.

Jeneraal Caanood ayaa xusay in koofurta Mudug sidoo kale ay ka dhaceen hawlgallo lixaad leh oo Khawaarijta looga sifeeyey baadiyaha deegaanada Bacaadweyn Shabeelow iyo Qaycad oo ay maxkamad beenaad ay ku lahaayeen.