3 mins read

Taariikh Nololeedkii Col. Shaah ma Cabe!!!. Qore Yahye Amir

Waxaan isku Baranay Goob Dagaal, Waxaana iigu war dhambeysay Goob Dagaal.
Maalmo dhan ayaan Aamusnaa si aan u hubsado Nolol iyo Geeri Midda uu ku sugan yahay. Welina midna kuuma Cadeeyn karo, ilaa hadda waa: ku maqane Goob dagaal ” Missed in Action – MID”. Dagaalkii Tuuladda Cowsweyne.

Dagaal laba Maalin Socday kadib, Waxa uu dagaal kula wareegay Deegaanka Cowsweyne Maalin isniin ah Abaara 18:00 taa oo ku beegneyd 21/08/2023. Halkaa oo uu Gacanta ku hayay Muddo dhan 5 Maalmood iyo 12 Saacadood. Waxaa ka soo daahay Gurmadkii uu sugayay.

Maalin Sabti ah Abaara 6:10 taa oo ku beegneyd 26/08/2023 ayaa lagu soo qaaday Dagaal Rogaal Celin ah, muddo 5 Saac ahayd oo Dagaalku socday waa iska caabiyay 4 jeer ayaana Rogaal celin lagu soo qaadayay halka Kuwa ka soo horjeedo ay helayeen Gurmad, laakin isagu ma helen Sababta oo ay ka mid aheyd Aagaga Dagaalka oo kala fogaa. Wakhti dambe ayaa waxaa soo gaaray Gurmad kooban oo Ceelbuur ka yimid.

Shaah ma Cabe, Waa 39 jir dhashay Sanadkii 1984tii, Qoyskiisu waxa ay ahaayeen Reer Miyi, waxa uuna ku dhashay Deegaanka “Muluqeey” oo u dhaw “Biyacade” oo Wakhtigaa ka tirsaneed Degmada “Mahadaay” Gobalka Shabeelaha Dhexe. Halkaa oo ay Deganaayeen Aabihii Xasan Tifow Deerow iyo Hooyadii Fadumo Rooble Cadow, in kasta oo uu 39 Sano Jir ahaa Haddana waxa Alla ugu deeqay 19 Caruur ah oo uu dhalay Shaah ma cabe. Wiilkiisa Curadka ah ayaa Sanadkaan Dugsida Sare Dhameeyay.

Saaxibkeey G/Sare, Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), waxa uu Ciidan ahaa 20 Sano, Hadda Waxa uu ahaa Taliyaha Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khidaab ee Ciidamada Xoogga Dalka. Waxa uu ahaa Xaaful Qur’aan, Waxa uu Dugsiaga Hoose dhexe ku soo qaatay Magaaladda Biya cade, kadibna Dugsiga Sare ee Mubaarak ee Magaaladda Mogdisho, kadibna Heer Jamacadeed ayuu ka bilaabay isla Magaaladda Mogadishu. Waxa uu tababar Ciidan ku soo qaatay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda, Ethiopia.

Inta aan ka aqaan waxa uu ahaa Geesi, Daacad, Go’aan leh, ma aheeyn Dadka Madaxda is tustuso, Ma laheyn wax balwad ah sida Qaadka, Sigaarka, Kafeeda iyo Xatta Balwadaha Wakhti dhumiska ah.

Waxa uu ahaa Nin Mabda’ iyo Go’aan adag leh. In aan ku fogaado ma rabo Laakin waxaan isla joognay dhowr sano ka hor, Goobtii Dagaal ee uu diiday in uu qaato $ 300, 000 uuna ka baxo dagaalka isaga oo aan heysan Hanti ka badan Mushaarkiisa.

Saddaxdii walaalihii ahaa Labo Ciidanka Qaranka ayeey ahaayeen Hore ayeyna Dagaal lagu difaacayo Dalka ugu geeriyoodeen, kan harayna waxa uu ku noolyahay Miyiga.

Haddii uu Noolyahay waa la arki doonaa, Haddii uu geeriyoodayna Shaah Janaad Alla ha siiyo. Waxaan u tacsiyeynayaa Hooyadii Fadumo Roble, Caruurtiisa, Xaaskiisa, walaalihii, Saaxiibadadii, CXD, Elheladii oo dhan iyo ummadda Somaliyed.

Maalintii isagu keena dambeeysay waxaa aan wada joognay Guri ku yaal Degmada Cabdicasiis ee Magaaladda Mogadishu oo Qado uu noogu sameeyay Saaxiibkeen. ( F.S:1aad)

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir