4 mins read

Dawladda Soomaaliya oo beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab, sidaasi waxaa idaacadda VOA u sheegay saraakiil sare oo ka mid ah dawladda oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan.

Beddelka xeesha dagaal ayaa ka dambaysay weerarkii 26-kii bishii hore al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggii ciidamada dawladda ee tuulada Cawsweyne.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka Cawsweyne, hase yeeshee saraakiisha amniga ee la hadashay VOA waxay aamin yihiin in lagu dilay tobannaan, lagu dhaawacay in ka badan 160, halka qaarna la la’yahay.

Xeesha cusub ee hadda dawladdu qaadatay ayaa ah mid hawlgallada ay hoggaaminayaan dadka iyo ciidamada degaanka, halka ciidamada dawladda federaalkuna ay kaalmayn doonaan, sida ay sheegeen saraakiishu.

Dawladda ayaa horey ciidamada degaanka usiin jirtay hub, iyo in dhaawacooda la qaado. Qorshaha cusub ayaa taas ku kordhinaya in gunno ay qoysaskooda ku biishaan la siiyo ciidamada degaanka inta ay hawlgallada ku jiraan.

Hay’adda sirdoonka iyo amniga qaranka ee NISA ayaa loo xilsaaray diiwaangelinta iyo shaandhaynta ciidamada degaanka, iyadoo qorshaha muddada fog yahay in la qarameeyo, sida ay sheegeen saraakiisha la hadashay VOA.

Taliyihii hore ee hay’dda NISA Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah saraakiisha dawladda ka caawinaysa abaabulka dadka degaanka ayaa VOA u xaqiijiyey isbeddelka xeesha.

Waxa uu sheegay in qorsha cusub yahay in dadka degaanku ay hoggaamiyaan dagaalka, taasi oo la mid ah dibna ugu noqonaysa qorshihii al-Shabaab looga saaray inta badan gobolka Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga soo bilaabo bishii Ogosto ee sannadkii hore.

Dib u gurasho

Weerarka Cawsweyne ayaa ku qasbay ciidamada dawladda inay dib uga soo gurtaan degaanno ka mid ah jiidaha hore ee dagaalka. Ilaa haatan waxay ciidamadu dib uga gurteen Ceel Dheer, Masagaway, Budbud, Ceelbuur iyo Galcad.

Dib u gurashada laga sameeyey Galcad ayaa ahayd mid lagu sigtay inay halis geliso amniga saraakiil sare oo ka mid ah kuwa dawladda.

Galabnimadii 28-ka Ogosto madaxweyne Xasan Sheekh oo fadhi ku meelgaar ah ka samaystay Dhuusamareeb waxa uu isku diyaariyey inuu booqdo Galcad si uu ula hadlo ciidamada, kadib walaacii ka dhashay weerarkii Cawsweyne.

Laba ka mid ah saraakiisha sarsare ee dawladda oo kala ah Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo Guddoomiyaha Maxkamadda milatariga Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku qanciyey madaxweynaha inuu safarkaasi ka baaqdo maadaama xaaladdu ay is-bedbedalaysay, halisna ay uga iman kartay madaxweynaha, sidaasi waxaa VOA u sheegay saraakiil kala duwan oo dawladda ka tirsan.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in labada sarkaal ay soo jeediyeen inay iyagu u safraan Galcad, soo jeedintaasi oo uu madaxweynuhu aqbalay.

Labada saraal, laba suxufi oo ka tirsan warbaahinta dawladda iyo ciidan ilaalo ah ayaa diyaarad helikobtar ah oo ay leedahay Qaramad Midoobay kasoo raacay magaalada Dhuusamareeb qiyaas ahaan 2:20pm ee maalintaas.

Hase yeeshee isla markii ay diyaaraddu soo kacday waxaa saraakiisha Soomaalidu ogaadeen in ciidamada dawladda ay ka baxeen magaalada Galcad.

Saraakiil kala duwan oo ay ka mid yihiin shaqaale ka tirsan madaxtooyada ayaa telefoonno ku wacay saraakiisha iyo rakaabka kale ee saaran diyaaradda, sidoo kalena u diray farriimo qoraal ah si ay ugu wargeliyana bixitaanka ciidanka.

“Hadagina” ayay oranaysay mid ka mid ah fariimaha qoraalka

“Soonoqda. Magaalada waa laga baxay,” ayaa sidoo kale ku qornayd farriinta.

Hase yeeshee sarakiishu waxay farriimahaas heleen oo keliya markii ay diyaaraddu gaartay hawada Galcad isla markaana dhulka usoo dhowaatay, anteenada telefoonkuna ay soo laabatay.

Markiiba waxaa loo gudbiyey farriinta duuliyayaasha, kuwaasi oo kor u qaaday diyaaradda, kadibna usoo safray Muqdishu oo ay si nabad ah kusoo gaareen gelinkii dambe ee maalintaas. Al-Shabaab waxay sheegteen fiidnimadii malaintaas 6:55 daqiiqo inay dib u qasadeen Galcad, taaso oo ku beegnayd qiyaas ahaan ku dhowaad saddex saacadood iyo bar kadib markii diyaaraddu ka baxday hawada Galcad.

Madaweynaha Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay dawladdu xirtay saraakiil furimaha hore kasoo baxay. Inkastoo madaxweynuhu uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray haddana waxa uu intaasi ku daray in sharciga lala tiigsan doono saraakiishaas.

Xigasho,:VOA