1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Aadan-Yabaal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo nabad-diidka Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.