27 Jul, 2024
1 min read

Madaafiic culus oo ku dhacday Laascaanood iyo Abwaan caan ah oo ku dhintay halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood. Abwaanku wuxuu ahaa […]

1 min read

Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in 30-ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud.

Muqdisho :- Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgal maanta ka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30-dhagar qabe oo Al-Shabaab ah. Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamadda dowladdu ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo […]

1 min read

Guddoomiye ku xigeenka amniga G/Banaadir oo Yaaqshiid kula kulmay saraakiisha ciidanka xasilinta.

Muqdisho :- Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) oo uu wehliyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa waaxda Juungal ee degmada Yaaqshid kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta caasimadda. Kulankan oo ujeed kiisa ahaa xoojinta la dagaalanka khawaarijta iyo burcada ayaa waxaa goob joog […]

1 min read

Gabdhaha xulka Ingiriiska oo markii ugu horeysay gaaray finalka Koobka Aduunka. 

Gabdhahs  Ingiriiska, ayaa markii ugu horeysay gaartay finalka koobka aduunka haweenka, iyagoo ka adkaaday kooxdii ka socotay dalka Australia, ee qeybta ka ah marti galinta Koobka Kubadda Cagta Adduukna ee haweenka, taasoo ahayd mid taariikhi ah kana dhacday magaalada Sydney. Tani ayaa sawaxankii ka imanaya jamaahiirta u badnayd garoonka Australia hoos u dhigtay, taasoo ay […]

1 min read

Ciidamada dawladda oo toogtay ismiidaamiye waday gaari Miinaysan.

MASAGAWAY :- Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen ismiidaamiye waday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow Masagaway oo ka tirsan gobolka Galguduud. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in ciidamada amnigu ay ismiidaamiyahaas ku dileen toogasho. Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda […]

1 min read

Duqa Muqdisho oo soo xiray tababar ku saabsanaa doorka hoggaaminta hqabaweenka.

Muqdisho :– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tababar socday muddo 3-cisho oo loo qabtay ururka haweenka Gobolka Banaadir, kaas oo ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka. Xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha […]

1 min read

Dowladda Imaaraat-ka oo sheegtay inay gacan ka geysan doonto wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Muqdisho :- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wada hadallada DFS iyo Somaliland Mudane , Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan qoto dheer la qaatay safiirka dalka aynu walaalaha nahay ee Isu tagga Imaaraadka Carabta Mr. Ahmed Jumah Alromaith. Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan […]

1 min read

Ciidamada Kenya oo Mandheera xiray Xildhibaan ka tirsan Jubbaland.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa habeenkii labaad ku hoyday saldhiga degmada Mandheera, kadib markii Isniintii lagu xiray Koontaroolka Basaska. Sida ku cad warqad dacwad ah uu helay wargeyska kasoo baxa Kenya, The Standard, xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa la qabtay isagoo heysta kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu si been abuur […]

1 min read

Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka.

Muqdisho :- Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel Mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo maray aqrintiisi sadexaad. Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo cod gacan taag ah la geliyay ayaa waxaa ka aamusay 4 xildhibaan, waxaa diiday 3 xubnood, waxaana oggololaatay 135 sida uu sheegay guddoomiye ku […]