1 min read

Gabdhaha xulka Ingiriiska oo markii ugu horeysay gaaray finalka Koobka Aduunka. 

Gabdhahs  Ingiriiska, ayaa markii ugu horeysay gaartay finalka koobka aduunka haweenka, iyagoo ka adkaaday kooxdii ka socotay dalka Australia, ee qeybta ka ah marti galinta Koobka Kubadda Cagta Adduukna ee haweenka, taasoo ahayd mid taariikhi ah kana dhacday magaalada Sydney.

Tani ayaa sawaxankii ka imanaya jamaahiirta u badnayd garoonka Australia hoos u dhigtay, taasoo ay kooxda Ingiriiska ay ku badisay guushoodii 3-1.

Kooxdani, ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingriis ah, tan iyo sanadkii 1966-dii, ee gaarta ciyaarta kama danbeysta ee masraxa koobka adduunka.