1 min read

Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in 30-ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud.

Muqdisho :- Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgal maanta ka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30-dhagar qabe oo Al-Shabaab ah.

Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamadda dowladdu ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo lix irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, waxaana dagaalku uu ka dhacay Af-goobad oo khawaarijtu ku sugnaayeen, halkaas oo looga dilay 30-dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan.

Ciidamadda oo ka feejigan dhagarta Khawaarijta ayaa fashiliyey gaari qarax wada oo argagixisadu dooneysay inay cutubyada ciidamadda dowladda ee dagaalka ku jira ku dhibaateeyaan.

Afhayeenka ayaa xusay in sahan ay sameeyeen ciidamada sirdoonka Qaranka oo adeegsanada aaladaha tiknoolajiyada in shacabka ku nool deeggaanada maanta dagaalku ka dhacay inay fuliyeen amarka dowladda ee ahaa in laga fogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nafla caariga ah ee argagixisadda, waxaana xogta sahanka lagu sheegay in shacabku geedi ka yihiin deeggaanada ay ku gambanayaan argagxisaddu

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda ayaa yiri “ waad ku soo noqoneysan degmooyinkiinna idinka oo aanan la idin ka qaadeynin xoolo baad ah, Sakawaad, lacag tabarucad ah iyo lacag jihaad, oo aan carruurtiinna qaraxyo lagu xireynin sidoo kalena aad xor tihiin”.

Dagaalkan ayaa bilaw u ah Istiraatiijiyadda qorsheysan ee sifeynta goobaha dagaalka, waxaana uu ka socda afar jiho oo kala ah dhanka bari, dhanka koonfureed, Waqooyi iyo dhanka Galbeed. Ciidamadda Dowladda ayaa afartaas jiho ka soo socda sida uu sheegay Afhayeenku