1 min read

Ciidamada dawladda oo toogtay ismiidaamiye waday gaari Miinaysan.

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen ismiidaamiye waday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow Masagaway oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in ciidamada amnigu ay ismiidaamiyahaas ku dileen toogasho.

Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda oo ismiidaamiyey uu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo gaadiid watay, kuna jiray hawlgal.

Ilaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sawirka buuxa ee weerarkan.

Ciidamada dawladda ayaa hawlgallo ka wada degaannadaas, waxaana saraakiishu soo tebiyeen inay ciidamadu la wareegeen degaanno hoostaga tuulada Cawsweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadhi ku meelgaar ah ka samaystay magaalada Dhuusamareeb, si uu ula socdo diyaargarowga hawlgallada milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab oo dawladdu sheegtay inay dhammaystir u yihiin wejiga koowaad ee gulufka.