1 min read

Duqa Muqdisho oo soo xiray tababar ku saabsanaa doorka hoggaaminta hqabaweenka.

Muqdisho :– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tababar socday muddo 3-cisho oo loo qabtay ururka haweenka Gobolka Banaadir, kaas oo ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka.

Xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka, waxaana inta uu tababarkan socday looga dooday xoojinta ka qeyb galka doorka haweenka ku lee yihiin siyaasada iyo in haweenku noqdaan hogaamiyaal saameyn leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in  haweenka ay tiir adag u yihiin midnimada ummada Soomaaliyeed, dhismaha dowladnimada iyo dib u soo kabashada dalka.