1 min read

Dowladda Imaaraat-ka oo sheegtay inay gacan ka geysan doonto wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Muqdisho :- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wada hadallada DFS iyo Somaliland Mudane , Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan qoto dheer la qaatay safiirka dalka aynu walaalaha nahay ee Isu tagga Imaaraadka Carabta Mr. Ahmed Jumah Alromaith.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan marxaladda ay haatan Somaliland ku sugan tahay, iyagoo si qoto dheer u dul istaagay wada hadallada DFS iyo Somaliland iyo sida loo wajahayo.

Safiirka iyo Ergayga ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay wada hadalladaas leeyihiin, ka miro-dhalintooda iyo in ay dowladda Imaaraat-ku taageersan yihiin soona dhaweynayaan wax kasta oo danta Soomaaliya ay ku jirto.