1 min read

Guddoomiye ku xigeenka amniga G/Banaadir oo Yaaqshiid kula kulmay saraakiisha ciidanka xasilinta.

Muqdisho :- Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) oo uu wehliyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa waaxda Juungal ee degmada Yaaqshid kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta caasimadda.

Kulankan oo ujeed kiisa ahaa xoojinta la dagaalanka khawaarijta iyo burcada ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamuladii degmooyinka qeybta Bari ee Gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka Police Military.

Kulankan ayaa lagu bogaadiyay isbadalka amni ee ka jira Caasimadda gaar ahaan xal u helida ciyaal weerada iyo burcada, iyada oo sarkiisha iyo maamulada degmooyinka la faray in lasii dardargaliyo sugida Amniga