26 Jul, 2024
1 min read

Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug.

Muqdisho :- Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu […]

1 min read

Yoweri Museveni “Bankiga Aduunka wuxuu doonayaa inuu nagu qasbo sharciga dadka isku jinsiga ah ah..”

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa bangiga adduunka ku eedeeyay inuu doonayo inuu dowladdiisa ku qasbo, marka la eego sharciga dadka isku jiinsiga ah Hadalkiisa ayaa daba socda tallaabo uu shaaciyay bangiga, oo ah inuu joojinayo lacagaha deynta ah oo uu siiyo Uganda, sababo la xirriira sharciga ka dhanka ah dadka isku jiinsiga ah, taas oo […]

1 min read

Ciidamada Dowladda oo bur buriyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Deg. Galhareeri ee G/Galgaduud.

Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal milateri oo jab loogu geystay Khawaarijta ka fuliyay gudaha Degmada Galhareeri oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.Hawlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen. Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo yaalay […]

1 min read

Nin qarx isku soo xiray OO isku qarxiyay makhaayad ku taala magaalada Jalalaqsi.

Warrarka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay makhaayad ku taala magaalada Jalalaqsi. Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhintay, 9 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa makhaayadda lala beegsaday, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere, oo laftigiisu kamid […]

1 min read

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Muqdisho :- Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed. Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda. Golaha ayaa warbixin […]

1 min read

RW Xamsa oo sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Xajka.

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in sannadkan wax badan laga qabtay hagaajinta hawlaha xajka ee dadka Soomaaliyeed, dowladduna ay […]

1 min read

Howlgal lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceelasha-biyaha.

Muqdisho :-Ciidanka hay’adda nabad-suggidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho  ka sameyay howlgal waxaan ay ku khaarajiyeen dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab oo watay  gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa,NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay,iyadoo gacanta ku dhigay  gaarigii ay qaraxyada […]

1 min read

Korow Moose iyo Ugaas Muunka!!! =Faallo =

Daanyeerkii, Korow Moose ayaa iska dhibay Wadan Reer Galbeed ah, kadib markii uu sii maray Saxaraha Libiya. Dib ayuu ugu soo noqday Tuuladiisii 16 Sano kadib. (F.S: 1aad). Waxa uu Tuuladii kula kulmay Hogaamiyihii Cidda, Ugaas Muunka oo Da’ iyo Daalba ka muuqdaan. Korow Moose ayaa uga sheekeeyay Nolosha Reer Galbeedka. Waxa uu ku yiri: […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Caqabada ugu wayn ee hortaagan horumarka Galmudug waa…”(Kulan uu la yeeshay odayaasha Dhaqanka).

Dhuusamareeb :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid. Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku […]