1 min read

Korow Moose iyo Ugaas Muunka!!! =Faallo =

Daanyeerkii, Korow Moose ayaa iska dhibay Wadan Reer Galbeed ah, kadib markii uu sii maray Saxaraha Libiya. Dib ayuu ugu soo noqday Tuuladiisii 16 Sano kadib. (F.S: 1aad).

Waxa uu Tuuladii kula kulmay Hogaamiyihii Cidda, Ugaas Muunka oo Da’ iyo Daalba ka muuqdaan. Korow Moose ayaa uga sheekeeyay Nolosha Reer Galbeedka. Waxa uu ku yiri: Wadamadaa waxaa ka jiro ilbaxnimo, isbedel weyn ayaana Sameeynay Haddaan nahay Bahda Daanyeerada u soo qaxay Halkaa, waxaa nalaga Jaray Dabadii( Dhaqankii iyo xiriirkii Dalka) si aan iyaga ugu ekaano. Daanyeerada waxaa laga Xiiray Dhogortii, waxaan ku jirnaa Zoo kor ka furan, shaqooyinka aynan iyagu qaban karin sida Geeda fuulka, anagaa naloo diraa. Caruurteena waxaa la baraa Demoqaradiyadda Cusub in Gabdhuhu ay dhaxdooda xiriir yeelan karaan, Wiilashana sidoo kale, laakin nalama barro sida Dayax gacmeedyada iyo Drones-ka loo sameeyo.

Ugaas Muunka oo dhaqan ku yuurar ah horena ula yaabanaa dharka uu wato Korow Moose, ayaa aad ula yaabay isbedelka ku dhacay aragtidiisa iyo dhaqankiisa. Ugaasku si taxadar leh ayuu u dhageeyatay isaga oo la yaaban.

Ugaaska ayaa ku jawaabay (…………………) markii aad si fiican u fiirisay Ugaaska wajigiisa maxey kula tahay Jawaabta uu bixiyay? (F.S:2aad).

Qore: Yahya Amir