6 mins read

Maxay Ceelbuur muhiim ugu tahay Dowladda iyo Al-Shabaab?

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda geli doona marxalad cusub. Diyaar garow ciidan oo xoog leh ayaa ka jira Gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka ku dhow caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Gulufkan cusub ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga qabsado magaalooyin iyo deegaanno badan oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen oo ku yaalla Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, si loo xaqiijiyo in si buuxda dowladda uga taliso dhulka ballaaran ee ku yaalla dacallada bari iyo Koonfur ka xiga Webiga Shabeelle.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa madal uu ka hadlayay ka sheegay in gulufkaan cusub “dowladdu u diyaarisay 15 kun oo askari”.

Waxaa intaasi dheer maleeshiyaad qabaa’il oo ciidamadaasi ka taageeraya dagaalka, kuwaas oo lagu soo bandhigayay maalmihii lasoo dhaafay degmooyin ku yaalla gobolka Galgaduud.

Maxay Dowladdu muhiim ugu aragtaa dagaalka Ceelbuur?

Tan iyo wixii ka dembeeyay markii uu madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu u safray magaalada Dhuusamareeb Sabtidii, maqalka magaca Ceelbuur waxa uu noqday mid si weyn u qabsaday dhagaha shacabka ku nool caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Warbaahinta maxalliga ah waxay si toos ah u werinayeen “in gulufka ugu weyn ee dagaalka la qorsheynayo uu ku wajahanyahay magalada Ceelbuur” oo tan iyo 2017 ay maamulayeen Al-Shabaab.

Ceelbuur waa degmo qaddiimo ah, taariikh fogna u leh sooyaalka ganacsiga dalka, sida la weriyay waxay dhisan tahay qarniyaal badan.
Dadka ka faallooda amniga Soomaaliya ayaa qaba in dowladdu “ka daahday qabsashada Ceelbuur iyo deegannada ku dhow”.

Dagaallamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan degmadaas ayaa awood u leh in ay dagaal ku qaadaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, maadaama Ceelbuur ay hadda u muuqato mid istiraatiiji ah, marka loo eego joqoraafi ahaan halka ay ku taallo.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Eagle Ranges Services Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA uga warramay muhiimadda dhulka ay hadda dowladdu dooneyso in ay kala wareegto Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxay ahayd in bishii Jannaayo ama Feberaayo soo afjarto dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhulka ku teedsan Bariga Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgadud, muhiimad weyn ayuu leyahay seddex xagalka u dhexeeya, Dhusamareeb, Xarar-dheere, iyo Galcad, oo ay Ceelbuur, ku jirto. Sababtoo ah, waxaan ka aamisanahay in ay ku jiraan Ilaa lix kun oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ah,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in haddii Al-Shabaab laga qabsado Ceelbuur iyo dhulka ku hareereysan uu hoos u dhici karo khataraha dhanka amniga la xiriira ee ka jira Gobollada Dhexe iyo HirShabeelle, waxaa sidaasi VOA-da la wadaagay wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

“Ceelbuur iyo dhulka ku hareereysan waa weli halka ay ku harsan yihiin Khawaarijta waxaan u aragnaa in ay caqabad ku yihiin amniga iyo xasilloonida dadka gobolkaan ku nool, sidoo kalana ay yihiin inta ka hartay gabagabada wejiga koowaad ee dagaalka, sidaas ayey hadda muhiim u yihiin deegannadaas,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Muhiim ma tahay in madaxweyne Xasan uu dego Dhuusamareeb?

Khuburada ka faallooda dagaalka ee Soomaalida ah ayaa siyaabo kala duwan u fasiraya in madaxweynahu uu dego magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si loo muujiyo in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la qorsheynayo in lagu qaado dhulka fog ee Gobolka Galgaduud iyo deegaannada ku teedsan badweynta Hindiya ee Gobolka Galgaduud.

Gaashaanle Sare Cilmi Faarax Webi, oo ka mid ahaa saraakiishii militariga ee dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, ayaa qaba in halkii uu madaxweynuhu u dhowaan lahaa jiidaha hore ee dagaalka ay ka wanaagsaneyd inuu ku sugnaado barta laga hago dagaalka ee ku yaalla Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho.

“Madaxweynahu waa taliyaha guud ee Ciidamada Qlabka sida ee dalka, wuu tegi karaa jiidda hore ama meel ku dhow, laakiin muddo kuma sugnaan karo ka badan 24 saac. Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin aan asal ahaan ka imaan ciidan oo rayid ah, amni ahaanna waa laga habboon yahay in uu u dhowaado meel halis ah, Shaqadaasi waxaa iska leh taliyaasha Ciidamada Qalabka sida. Xeerka xilliyada dagaalka waxaa loo ogolyahay in uu ku sugnaado jiidda hore keliya taliska hoggaaminta howl-galka iyo khuburada sare ee milliteriga,” ayuu ku dooday Gaashaanle Sare Cilmi Faarax oo la hadlay VOA.

Marka laga yimaado aragtidaas waxaa jira dad kale oo u arka in joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ay ka dhigan tahay mid dhiirri-gelin u ah ciidamada iyo guud ahaan dadka doonaya in Al-Shabaab laga saaro deegaannada hadda la qorsheynayo in la weeraro.

Gaashaanle Sare Cilmi Faarax waxa uu sidoo kale ku doodayaa in Ceelbuur oo la qabto ay ku jirto xasilloonida deegaanno badan oo hadda ku jira gacanta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran in laga saaro Al-Shabaab waxay muhimad weyn u leedahay Qaranka Soomaaliyeed, sababtu waxay tahay in kooxdu ay abuuri karto dhibaato weyn oo amni, sida wixii ka dhacay Galcad oo lagu laayay askar badan iyo saraakiil muhiim u ahaa dagaalka, waxay sidoo kale ay halkaas ku diyaari karaan qaraxyo is-miidaamin ah oo ay ku qaadaan dhulka xorta ah ee gacantooda ka baxay, ama waxay dib usoo abaabuli karaan dagaal kale” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cilmi Faarax.

Xaddidaadda xogta dagaalka iyo askarta

Falanqeeyeyaasha amniga Soomaaliya ayaa qaba in dowladda dhexe iyo taliska ciidamada labadaba laga rabo in ay la yimaadaan qorshe weyn oo muhiim ah, kaas oo ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa xogta dagaalka iyo askarta ka qeyb-galeysa intaba, taas oo haddii aysan dhicin wax badan horseedi karta, oo ay ku jirto inay yimaadaan fashil iyo dib u dhac badan.

“Inkasta oo marxalad adag lagu jiro, waxa wanaagsan in dowladdu aad u xakameyso xiriirka iyo xogaha ciidamada furimaha ku jira, waxaan aaminsanahay in mar kasta ay jiri karaan kuwa is-qarinaya oo ku dhex dhuumanaya howlgallada socda oo xogta u dusinaya Al-Shabaab,” waxaa sidaasi yiri Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Eagle Ranges Services Cabdisalaan Guuleed.

Haddii Al-Shabaab laga saaro dhulka ku-xeeran degmada Ceelbuur iyo degmooyinka kale ee hoos yimaada Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, waxay khuburadu aaminsanyihiin in looga awood batay bartamaha Soomaaliya, laakiin waxay su’aali ka taagantahay suurta-glnimada in dowladdu waqti kooban dagaalkaasi kusoo afmeeri kain.

WQ: Abdiaziz Ahmed Barrow