1 min read
Ciidamada Dowladda oo bur buriyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Deg. Galhareeri ee G/Galgaduud.
Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal milateri oo jab loogu geystay Khawaarijta ka fuliyay gudaha Degmada Galhareeri oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.Hawlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen.
Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo yaalay garaashka.
Goobta labaad waxay ahayd bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd waana la gubay.