1 min read

Yoweri Museveni “Bankiga Aduunka wuxuu doonayaa inuu nagu qasbo sharciga dadka isku jinsiga ah ah..”

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa bangiga adduunka ku eedeeyay inuu doonayo inuu dowladdiisa ku qasbo, marka la eego sharciga dadka isku jiinsiga ah

Hadalkiisa ayaa daba socda tallaabo uu shaaciyay bangiga, oo ah inuu joojinayo lacagaha deynta ah oo uu siiyo Uganda, sababo la xirriira sharciga ka dhanka ah dadka isku jiinsiga ah, taas oo mamnuuc ka ah dalkaas.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu madaxweyne Museveni ku sheegay in “Uganda ay horumari doonto hadii deyn la siiyo iyo hadii kaleba’.

Waxaa uu intaa ku daray, in wax laga xumaado ay tahay in bangiga deynta bixiyo uu isku dayayo inuu soo farageliyo dhaqanka, diinta iyo xeerarka Uganda.

Mareykanka ayaa hore cunaqabateyn ugu soo rogay Uganda kaddib marki madaxweyne Yoweri uu saxiixay sharci dhigaya in qofka la toogto hadii uu la galmoodo qof kale oo ay isku jiinsi yihiin.