1 min read

Howlgal lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceelasha-biyaha.

Muqdisho :-Ciidanka hay’adda nabad-suggidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho  ka sameyay howlgal waxaan ay ku khaarajiyeen dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab oo watay  gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa,NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay,iyadoo gacanta ku dhigay  gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Lammaha suggida amniga caasimada Muqdisho ayaa wadday dadaal lagu xoojinayo nabad-galyada,iyadoo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka waddeen degmooyinka gobolka Banaadir.