1 min read

Nin qarx isku soo xiray OO isku qarxiyay makhaayad ku taala magaalada Jalalaqsi.

Warrarka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay makhaayad ku taala magaalada Jalalaqsi.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhintay, 9 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa makhaayadda lala beegsaday, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere, oo laftigiisu kamid noqday dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaawiciisu fudud yahay, balse lix ilaaladiisa kamid ah ay ku dhinteen qaraxa, isagoo intaa ku daray in bartilmaameedku uu ahaa isaga, lana doonayay in la khaarajiyo.

Nuur Dheere oo horey u ahaan jiray taliye ciidan ayaa isaga iyo ciidan kiisuba waxay qayb libaax ka qaateen dagaalka Gobolka Hiiraan badankiisa looga saaray Al-Shabaab.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay Jalalaqsi, laakiin sidan oo kale dhawr jeer ayay kooxda Al-Shabaab qaraxyo uga gaysatay Jalalaqsi iyo magaalooyinka kale ee gobolka Hiiraan.