27 Jul, 2024
1 min read

Sirdoonka Soomaaliya  oo gacanta ku dhigay in ka badan 10 xubnood oo si basaasnimo ah ugu dhax jiray hay’adaha dowladda.

Muqdisho :-Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in Hay’adda NISA gacanta ku dhigtay in kabadan 10 basaasiin u ahaa khawaarijta, kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka. Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo […]

1 min read

Macalinka Xulka Qaranka heeweenka ee Zambia Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Kacay Xad-gudub Galmo.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa baadhaya cabasho rasmi ah oo ka dhan ah tababaraha xulka qaranka haweenka Zambia ee Bruce Mwape, taas oo la xidhiidha xad-gudub galmo oo uu kula kacay haweenay ka qeyb-galaysay ciyaaraha Koobka Adduunka Haweenka. Mwape ayaa lagu eedeeyay in uu gacmaha shafka ka saaray mid ka mid ah ciyaartoydiisa […]

1 min read

Amniga gobolka Amxaarada oo faraha ka sii baxaya.

Golaha wasiirrada Itoobbiya ayaa ansaxiyey go’aan ah in maamulka amxaarada lagu la geliyo xaalad degdeg ah, kaddib maalmo dagaallo culus ay dhexmarayeen maleeshiyad gudaha e halkaas iyo ciidanka. Tallaabadan ayaa weli se u baahan aqbalaadda iyo ansixinta baarlamaanka. Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa sheegay in kala danbeynta sharciga ahayd ay healis ku jirto gudaha deegaanka Amhara. Madaxweynaha […]

1 min read

Madaxweyne Xassan Sheekh oo la filayo inuu maanta tego Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ka hogaamiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sida qorshuhu yahay, deegaanada la doonayo in Al-Shabaab laga xoreeyo waxaa kamid ah deegaanka Ceel Buur, oo ay haystaan. Madaxweynaha, waxaa ka sii […]

1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku baaqay in laga waantoobo garab istaagga khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka Xumaan wadayaasha ah ee doonaya in ay afkooda ugu adeega kooxaha Khawaarijta ee nabad-diidka ah. Wasiirka ayaa hadaladaa jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga,qwuxuuna xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee  u bidhaamay shacabka […]

1 min read

Madaxweynaha la eryay ee Niger oo ku baaqay in Galbeedka ay caawiyaan dalkiisa

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka in ay caawiyaan dalkiisa,isla markaana ay soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalkaasi. Bazoum, oo todobaadkii hore ay militariga xilka ka qaadeen, ayaa hadal uu ku daabacay Washington Post ku sheegay ku muujiyay digniin ku saabsan  cawaaqib xumada ka dhalan […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Muqdisho, ;-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis. Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay […]

4 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 368=Dowlad aan leheyn Ciidan Qaran oo ay ku tiirsan tahay, ameey simbiririxataa oo jajabtaa?=

1. Nin Masri ahaa ayaa la yiri: indhahaa lagaa xirayaa, waxaana Lagu hor keenaa 20 Haween ah oo Xaaskaagu ku jirto, agtooda ayaad istaagee, mana taabaneeysid jirkooda. Waxaana lagaa rabaa in aad Xaaskaaga ka aqoonsato.Sidii ayuuna yeelay. Waxa uuna tilmaamay Xaaskiisii. Dadkii ayaa la yaabay oo weeydiiyay isaga oo aan u jeedin oo aan taaban […]

1 min read

Donal Trump oo mar kale maxkamad la soo taagay

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xidhiidhay, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday. Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan […]