4 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 368=Dowlad aan leheyn Ciidan Qaran oo ay ku tiirsan tahay, ameey simbiririxataa oo jajabtaa?=

1. Nin Masri ahaa ayaa la yiri: indhahaa lagaa xirayaa, waxaana Lagu hor keenaa 20 Haween ah oo Xaaskaagu ku jirto, agtooda ayaad istaagee, mana taabaneeysid jirkooda. Waxaana lagaa rabaa in aad Xaaskaaga ka aqoonsato.Sidii ayuuna yeelay.
Waxa uuna tilmaamay Xaaskiisii.
Dadkii ayaa la yaabay oo weeydiiyay isaga oo aan u jeedin oo aan taaban sida uu uga soo dhax saaray Xaaskiisa.

Waxa uu yiri: Markii aan ag marayay Haweenka kale Wadnaheeygu waa deganaa. Laakin Markii aan ag marayay Xaaskeyga, Wadnaheygu Xoog ayuu ii garaacmay Cabsi darteed. ( F.S:1aas)

( Xattaa Hadduu Raggu Jecelyahay Xaaskiisa, Haddana Maxa u sabab ah in uu ka cabsado, isga oo inkirayo Cabsidaa?)

2. Macallim Sucuudi ahaa ayaa Ardaydii imtixaanka ugu Darajada sareysay waxa uu u qeeybiyay Ardaygiiba 5 Xabo oo Nacnac ah.
Maallintii Xigtay Arday Daraja Hoose keenay imtixaanka oo Aabihii Maalqabeen ahaa ayaa intii dhacday u qeybiyay, Ardaygiiba 50 xabo oo Shukulaato qaaliya ah. Kuna yiri: wixii lagu helo wax barashada Sucuudiga waxaa ka fiican waxa uu helayo kii aan wax baran.

( Abaal marina wax barashada Somalidu ameey la mid tahay tan Sucuudoga? )

3. Wiil 5 Sano jir ah iyo Aabihii ayaa Musqul ku wada qubeysanayay. Wiilkii ayaa ku simbiririxday Musqushii dhaxdeeda. Waxa uu Qabsaday Xubintii Taranka Aabihii. kadibna Wiilkii ayaa yiri: Aabe, Haddii aan Maanta Hooyo la qubeysan lahaa, waan jajabi lahaa.( F.S:2 & 3aad)

( Dowlad aan leheyn Ciidan Qaran oo ay ku tiirsan tahay, ameey simbiririxataa oo jajabtaa? , AMISOM-na Dowladu ma cuska karto)

4. Nin ayaa Gurigii Walaashi yimid, waxaa u soo orday Caruurtii uu Abtiga u ahaa. Waxa uu Abtigii yiri: waxaan Hayaa Hal Xabo oo Shukulaato ah, waxaan siinayaa intiina Guriga Joogto kan Hooyo warkeeda ugu dhaga nugul oo aan diidi karin wixii Hooyo ay Rabto. Caruurtii ayaa yiraahdeen: Abti ma iska dhahdidoo, Shukulaatada Aabahiin ayaan siinaa.

( Caruurtu yey aaminsanyihiin in uu Guriga Xakumo oo laga wada cabsadaa xataa haduuna Awood isticmaalin?)

5. Boqor Carbeed ayaa Xiray Nin Qabiil meel Fog degan ah. Waxaa yimid Ninkii Qabiilkiisa oo ay la socdaan Amiiradoodii iyo Cuqaashii Beesha oo wadato Ciidan fara badan, waxa ay ku yiraahdeen: Ninkaan aad xiratay waxa uu ahaa Boqorkeenii. Waxa uu ku yiri: Ninkaani muxuu iigu sheegi waayay?. Maba xireen Hadduu Boqor yahay. Waxa ay ku yiraahdeen waxa uu diidayay in isaga oo Boqor ah oo Maxbuus ah uu is duleeyo. Ninkii waa la sii daayay.

Maalma kadib ayuu maqlay in Ninku uu ahaa Qowsaar Xoolaha ilaaliyo. Waxa uu yiri: Sidey ku dhacday in aad Qowsaarkiina aad Boqor iiga dhigtiin? Waxa ay ku yiraahdeen: Annaga Boqor nooma ahan Nin Qowsaarkiisa la duleeysanayo oo aan wax ka qaban karin. Ummadna jirtana ma ahan kuwa Daciifkoodu uu xaqiisa ku dhax dhumiyo ummaddiisa. (F.S:4aad)

( waxaa jiro wadamo Xiriirkoodu uu kala go’ay markii Hal Muwaadin la dhibaateeyay. Somaliya Xiriir Dal kale ma u jari kartaa si ay u difaacdo Sharafka iyo karaamada Muwaadinkeeda?)

6. Diiq Tuulo joogo ayaa waxa u timid Dawaco, waxa ay ku tiri: Diiqoow Aabahaa waxa uu lahaa Cod wanaagsan Marka uu indhaha isku Qabsado oo uu heesayo ayaan jeclaa. Diiqii ayaa yiri: Anigaa ka Cod wanaagsan. Diiqii ayaa indhaha isku qabsaday oo heesay, Dawacadii ayaa ku soo booday oo Afka ku qabsatay lana oroday. Eeyihii Tuulada oo dhan ayaa ka soo daba orday Dawacadii. Dawacadii oo Diiqii Afka ku sido oo aan weli u helin Fursad ay ku cunto, ayaa Diiqii ku yiri: waxaad Eeyaha ku tiraa, war Diiqani ma ahan Diiqyada Tuuladiina. Dawacadii ayaa Afka furtay si ay ugu sheegto Taladaa. Markii ay Afka furtay ayaa Diiqii ka cararay.
Dawacadii ayaa tiri: Alla ha cadaabo Afkii hadla wakhti aan ku habooneyn in la hadalo. Diiqii ayaa isna yiri: Dam Alla ha siiyo indhihii la isku qabto, wakhti aan habooneyn in la isku qabto. (F.S:5aad)

( Somaliya waxaa ku batay Kuwo indhaha isku qabsado oo si indha la’aan ah u taageero Siyaasi iyo kuwo si Qaaqlayaal ah oo Afka Furto, si ay u taageeraan Siyaasi. War hadda indhihiina Fura oo Afkiina waxa ka soo baxayo Hubiya, maxaa Dani idiinkugu jirtaa? )

Qore:Yahya Amir