1 min read

Madaxweyne Xassan Sheekh oo la filayo inuu maanta tego Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ka hogaamiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida qorshuhu yahay, deegaanada la doonayo in Al-Shabaab laga xoreeyo waxaa kamid ah deegaanka Ceel Buur, oo ay haystaan.

Madaxweynaha, waxaa ka sii horreeyay wefdi shalay tegay Dhuusamareeb oo isugu jira senetaro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee isla baarlamaanka oo deegaamadooda tahay deegaanada hadda la doonayo in laga saaro Alshabaab iyo odeyaasha dhaqanka beelaha deegaanadaas, wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Waxaa kale oo halkaas dhawaan tegay agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, mahad Salaad.

Isla Dhuusamareeb, waxaa ka socda shir shalay furmay oo socon doona laba maalmood, kaas oo lagaga arisanayo diyaar garowga duulaanka ka dhanka ah Alshabbaab ee la doonayo in looga saaro deegaannada Ceel Garas, Ceel Buur iyo Galhareeri.

Shirka ayaa ujeedadiisa ugu weyn lagu sheegay xasilinta deegaannadaas kaddib marka Alshabaab laga saaro.