1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku baaqay in laga waantoobo garab istaagga khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka Xumaan wadayaasha ah ee doonaya in ay afkooda ugu adeega kooxaha Khawaarijta ee nabad-diidka ah.

Wasiirka ayaa hadaladaa jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga,qwuxuuna xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee  u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa soo jeediyay in la beegsado kooxaha u adeegaya khawaarijta ,isla markaana gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu caddeeyo in ay u shaqqeyaan khawaarijta.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  oo la dardaarmay ciidamada xoogga ee uu la hadlay ayaa xasuusiyay in ay leeyoihiin hal cadow,loona baahan yahay in ay hal il ku arkaan kooxaha nabad-diidka ah.

Wasiirku,waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada Soomaaliya ,isla markaana laga qeybqaato dagaalanka ka djanka ah khawaarijta.