1 min read

Macalinka Xulka Qaranka heeweenka ee Zambia Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Kacay Xad-gudub Galmo.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa baadhaya cabasho rasmi ah oo ka dhan ah tababaraha xulka qaranka haweenka Zambia ee Bruce Mwape, taas oo la xidhiidha xad-gudub galmo oo uu kula kacay haweenay ka qeyb-galaysay ciyaaraha Koobka Adduunka Haweenka.

Mwape ayaa lagu eedeeyay in uu gacmaha shafka ka saaray mid ka mid ah ciyaartoydiisa intii lagu jiray tababar ka dhacay New Zealand 29-kii Luulyo ee sanadkaan. “Cabasho ayaa ka timid,” afhayeen u hadlay Fifa ayaa sidaas yidhi.

Laakiin xidhiidhka kubada cagta ee Zambia (FAZ) ayaa sheegay “in aanay iyaga soo gaadhin wax cabasho ah” waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen warkan kasoo baxay FIFA. Falkan ayaa dhacay intii uu socday tabobar labo maalmood ah ka hor kulankoodii ugu dambeeyay ee Group-ka ay la ciyaareen Costa Rica, markaas oo Zambia ay 3-1 ku badisay guushoodii ugu horeysay ee Koobka Adduunka.

Af hayeenka FIFA ayaa intaa ku daray: “Fifa waxay si dhab ah u qaadanaysaa eedaymo kasta oo anshax xumo ah, waxayna leedahay hannaan cad oo loogu talogalay qof kasta oo kubbada cagta ah oo doonaya inuu soo sheego dhacdo noocan oo kale ah.”

Mwape ayaa loo magacaabay in uu tabobare u noqday xulka Qaranka Zambia bishii May 2018 wuxuuna ka caawiyay inay u soo baxaan Koobka Adduunka markii ugu horeysay.