1 min read

Amniga gobolka Amxaarada oo faraha ka sii baxaya.

Golaha wasiirrada Itoobbiya ayaa ansaxiyey go’aan ah in maamulka amxaarada lagu la geliyo xaalad degdeg ah, kaddib maalmo dagaallo culus ay dhexmarayeen maleeshiyad gudaha e halkaas iyo ciidanka. Tallaabadan ayaa weli se u baahan aqbalaadda iyo ansixinta baarlamaanka.

Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa sheegay in kala danbeynta sharciga ahayd ay healis ku jirto gudaha deegaanka Amhara.

Madaxweynaha maamulkaas, Yilkal Kefale ayaa soo jeediyey in amniga deegammadaasi uu faraha ka sii baxayo, waxaana uu ugu baaqay dawladda Addis Abbaba in loo soo gurmado.

Safarrada duullimaadka ayaa la joojiyey laba magaalo oo waaweyn oo gobolkaas ah, halka isgaadhsiinta la sheegayo in la jaray, taas oo adkaynaysa ogaanshaha meelaha dagaalka ka socdo iyo xogtii u danbaysay.

Waxaana xogtu guduhu sheegaysaa in malleeshiyaad gudaha ah ee loo yaqaanno Fano, ay la wareegen maamulka dhawr tuulo oo maamulkaas ah.